Home Wararka Somaliya Puntland Wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya oo Durbaba Faragalisay...

Wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya oo Durbaba Faragalisay Khilaafka Puntland iyo Dowlada Dhexe

0

Wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Marwo Catriona Lainga ayaa isla-markiiba faragelisay khilaafka siyaasadeed ee haatan u dhexeeyo dowladda federaalka iyo maamulka Puntland.

Catriona Lainga oo booqashadeedii ugu horreysay Sabtidii ku tegtay Garoowe, tan iyo markii ay soo gaartay magaalada Muqdisho ayaa kulan gaar ah la yeelatay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, ayada oo si gaar ah ugala hadashay khilaafka haatan taagan.

Ergeyga cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in madaxweynaha Puntland uu soo dhaweeyay wadahadal uu la galo dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan, si meesha looga saaro khilaafka jira.

Sidoo kale waxa ay tilmaamay inuu diyaar u yahay inuu qayb ka noqdo dhammeystirka dastuurka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya, kaas oo wax ka beddal lagu sameynayo.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan maqlo sida cad ee ay madaxweynaha uga go’an tahay wadahadalka, sidoo kalena doorkiisa ka qaadan doono unkidda iyo dhamaystirka Geeddi-socodka Dib-u-eegista Dastuurka,” ayay shir jaraa’id tiri Marwo Catriona Lainga.

Dhanka kale, haweeneydan ayaa si weyn Puntland ugu boggaadisay doorashadii qof iyo codka aheyd ee dhowaan ka dhacday deegaanada maamulkaasi, taas oo lagu soo doortay inta badan goleyaasha deegaanka ee degmooyinka dowlad goboleedka Puntland.

“Tani waa horumar weyn oo ay Puntland u qaaday dhinaca dimuqraadiyadda, waxayna sidoo kale muujinaysaa horumarka qaybaha kale ee Soomaaliya” ayey mar kale tiri.

Puntland waa maamul goboleedkii labaad oo ay booqaneyso Catriona oo todobaadkii hore soo gaartay magaalada Muqdisho, waxayna horay u tegtay dowlad goboleedka HirShabelle.

Waxa kale oo a horay si gooni gooni ula kulantay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha dalka oo ay kala hadashay xaaladda dalka, gaar ahan bani’aadanimada.

Ergeyga cusub ee QM ayaa sidoo kale la filayaa inay booqato xarumaha kale ee maamul goboleedyada, si ay wadahadallo ula yeelato hoggaamiyeyaasha kale ee dalka.

Ad
Previous articleQaar ka Mid ah Wadooyinka Muqdisho oo saakay Xiran
Next articleWAR DEG DEG AH:Qarax ka Dhacay Isgoyska Soobe Xili Wadada Soobe Ay Xirantahay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here