Home Wararka Maanta WAR DEG DEG AH: Dagaal Culus oo Diyaarado ka Qaybqaadanayaan oo Ka...

WAR DEG DEG AH: Dagaal Culus oo Diyaarado ka Qaybqaadanayaan oo Ka Socda Awdhiigle

0

Howl-gal culus ayaa hadda ka socda tuulada Buula Maxamed Cabdalla goostagta degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay shaacisay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Howl-galkan oo ay sida wadajir ah u samaynayaan Sirdoonka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa waxaa lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Waxaa howl-galkaan illaa inta hadda la xaqiijiyay lagu dilay 19 ka tirsan kooxda Al-Shabaab, sida ay ku warameyso wakaaladda SONNA.

Sidoo kale waxa lagu soo waramaya in howl-galkaan wadajirka ah lagu burburiyay gaadiid iyo hub ay ku howl-gelaysay kooxda Al-Shabaab.

Ad
Previous articleWAR DEG DEG AH:Qarax ka Dhacay Isgoyska Soobe Xili Wadada Soobe Ay Xirantahay
Next articleLacagtii Shilin Soomaaliga ahayd ee Lasoo Daabacay Dowlada Soomaaliya oo Wadooyinka Khartuum Daadsan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here