Home Wararka Maanta War Deg Deg ah: Xildhibaannada labad gole oo ansixiyay wax ka beddelka...

War Deg Deg ah: Xildhibaannada labad gole oo ansixiyay wax ka beddelka dastuurka

0

Xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya oo haatan kulan ku leh xarunta Villa Hargeysa ayaa maanta guda galay ansixinta wax ka beddelka dastuurka, waxayna xildhibaanadu u codeeyeen afata cutub ee ugu horreysay.

Xildhibaanada ayaa marka hore mid mid u meel mariyay afarta cutub ee wax laga beddalay, kuwaas oo labadii bilood ee lasoo dhaafay ay ka doodayeen mudanayaashu.

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulankan ayaa ku dhowaaqay sida ay u dhacday riseynta afarta cutub, waxaana ogolaaday dhammaan xildhibaana xaadiray.

Intaas kaidb ayaa waxaa la guda galay meel-marinta ansixinta xubnaha labada gole, waxaana ku horreeyay codeynta Golaha Aqalka Sare oo iyagu meel mariyey wax ka beddealka afarta cutub ee ugu horreyso dastuurka.

42 Senator oo soo xaadirtay kulan ayaa haa ku codeeyay, sida uu sheegay guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo ku dhowaaqay inuu asax ka yahay Aqalka Sare.

Sidoo kale waxaa codeynta bixiyay Golaha Shacabka oo iyagana si aqlabiyad leh ku meel-mariyay wax ka beddelka dastuurka KMG ah ee Soomaaliya.

212 xildhibaan oo soo xaadiray Golaha Shacabka ayaa cod aqlabiyad lhe ku ansixiyay, ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe.

Arrintan ayaa soo afjareyso dood muddo ka taagneyd dastuurka oo ay diidanaayeen mucaaradka iyo Puntland.
Ad
Previous articleKooramka Baarlamaanka Soomaaliya oo Buuxsamay Xili la Filaayo Maantay Talaabooyon Wawayn
Next articleAkhriso:Afarta Qodob ee Maantay Sida Rasmiga loo Meel Mariyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here