Home Wararka Maanta Akhriso:Afarta Qodob ee Maantay Sida Rasmiga loo Meel Mariyay

Akhriso:Afarta Qodob ee Maantay Sida Rasmiga loo Meel Mariyay

0

Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey 4-ta cutub ee ugu horeysa dastuurka dalka, Guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe oo kulanka shir guddoominayey ayaa ku dhawaaqay in la ansixiyey afarta cutub.

Kulanka xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay xarunta Villa Hargeysa, waxaana kooramka soo xaadiray 254 mudane oo kala ah 212 xildhibaan oo Golaha Shacabka ah iyo 42 senator oo Aqalka Sare ah, ma jirin cid diiday ama ka aamustay, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyuhu.

Afartii Cutub ee Dastuurka Soomaaliya wax ka badalka lagu sameeyay ayaa maanta Baarlamaanka labadiisa Aqal ansixiyeen.

Maanta wixi ka danbeeyo:

1. Shacabka Soomaliyeed ayaa Madaxweyne iyo Mudanayaal Baarlamaan soo dooran doono. Gacantooda ayeey ku ciil bixi doonaan.

2. Hogaamiyaasha maamul Goboleedyada doorashadooda waxa qaban doono Guddiga Doorashadda heer Federaal.

3. Madaxweynaha ayaa Raisul-Wasaaraha soo magaabi karo hadana eryi karo iyadoo Kalsoonida mise ansixinta Baarlamaan loo baahnayn. Raisul-Wasaare aan awood badan lahayn.

4. Baarlamaan aan awood badan lahayn maadama awoodii Shacabka loo wareejiyay.

Ad
Previous articleWar Deg Deg ah: Xildhibaannada labad gole oo ansixiyay wax ka beddelka dastuurka
Next articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Ka Hadkay Talaabadii Taariikhiga ahayd ee Maantay Baarlamaanka soomaaliya Qaaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here