Home Wararka Maanta War deg deg Ah:- Shirka Dhuusomareeb oo lagu kala dareeray Saaka

War deg deg Ah:- Shirka Dhuusomareeb oo lagu kala dareeray Saaka

0

Shirka wadatashiga magaalada Dhuusomareeb uga socday Madaxda dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa qarka u saaran in gabi ahaan  lagu kala tago kuna soo dhamaado shirkaasi fashil.

Madaxda Dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada oo labo garab u kala jabsan ayaa isku mari waayay qodobada qaar ee shirka gaar ahaan arinta gobolka Gedo ay isku hayaan Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Jubbaland.

Sida aan wararka ku helnay Madaxda Puntland iyo Jubbaland ayaa isaga baxay shirka kadib markii lagu guul dareestay in xal laga gaaro arinta gobolka Gedo oo la sheegay in Madaxweyne Farmaajo ka biyo diiday in Jubbaland saameyn ku yeelato gobolaasi.

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa caawa wada dadaalo uu ku doonayo in shirka mar kale dib u furmo kuna soo laabtaan Madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland.

Qoor Qoor ayaa caawa howgooda ku booqday Madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland, waxa uuna kala hadlay sidii ay shirka ugu soo laaban lahaayeen si loo gaaro is afgarad arimaha qaar ee muranka ka taagan yahay.

Magaalada Dhuusomareeb waxaa caawa ka socdo kulamo kala duwan oo xal loogu raadinayo shirka wadatashiga ee ku dhaw in ay ku kala tagaan Madaxda Dowlada federaalka iyo kuwa maam ul goboleedyada.

Beesha caalamka ayaa sidoo kale wada dadaalo la doonayo in shiorka lagu bad baadiyo ayna madaxda mar kale isugu soo laabtaan shirka, waxa ayna Beesha caalamka madaxda DF iyo kuwa maamulada ku cadaadineysaa in ay is afgarad gaaraan.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay

40 xubnood oo Al-shabaab looga dilay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalada ayaa la tilmaamay

Qaranka Soomaaliya ee 17jirada oo maanta wajahaya dhigooda Xulka Tunisia koobka Qaramada Qaarada Afrika

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka
Ad
Previous articleBeesha Caalamka oo ku guuleysatay Shir Jaraa’id uu qaban lahaa Axmed Madoobe
Next articleDhageyso:- Dowlada Somaliya oo Fashilka Shirka Dhuusomareeb ku eedeesay Dowladda Shisheeye