Home Wararka Maanta War Deg Deg ah: Saraakiil Itoobiyaan ah oo Soo Gaaray Lughaye

War Deg Deg ah: Saraakiil Itoobiyaan ah oo Soo Gaaray Lughaye

0

Saraakiil sare oo katirsan ciidanka Itoobiya & kuwa Somaliland oo wada jira ayaa maanta tagey deegaanada Ceel Lahelay & Ceel-Sheekh oo kuyaala koonfurta deegaanka Lughaye, waxaana ay u sheegeen dadka deegaanka in la bilaabay dhaqangalinta Iskaashiga amniga ee labada dhinac, aysana u socon wax dhibaato ah.

Dadka deegaanka ayaa si ba’an uga soo horjeeda damaca xadgudubka ku ah wadajir, dawladnimada iyo madax banaanida Soomaaliya, ee ay wado dawladda Itoobiya, waxayna sheegeen in ay ka dagaalami doonaan maalmo kahor.

Ilo wareedyo wargal ah ayaa sheegaya in ay Itoobiya qorsheynayso isla todobaadkan in ay ciidameeda geyso deegaanada xeebaha, gaar ahaana goobaha ay todobaadyo kahor sii digeen ciidanka Somaliland.

Ad
Previous articleRagii Dhawaan Galmudug ku Dilay Macalinkii Dugsi Quraan iyo Dhaqtarkii Walaalaha oo Xulun Adag lagu Riday
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Ubax Yaasiin Cali Aar oo lagu Dilay Garowe