Home Wararka Maanta War Deg deg ah: Qaar kamid ah dadkii ay Xamaas ka qafaalatay...

War Deg deg ah: Qaar kamid ah dadkii ay Xamaas ka qafaalatay Israa’iil oo la dilay

0

Ugu yaraan 13 qof oo isugu jira Israa’iilyiin iyo ajnabi oo Xamaas ku heysay Qasa ayaa lagu dilay weeraro xaga cirka ah oo ay soo qaadday Israa’iil afar iyo labaatankii saac ee u dambeeyay, sida ay sheegtay garabka Xamaas.

Dadakaas ayaa la sheegay in lagu dilay shan goobood oo ay bartilmaameedsadeen ciidamada Israa’iil, sida ay sheegeen kooxda al-Qassam ee garabka milatari ee dhaqdhaqaaqa Xamaas.

Xamaas ayaa af duubatay ilaa 150 qof markii ay sabtidii weerar ku qaadday Israa’iil, waxayna ka digeen inay dili doonaan hadii ay Israa’iil weerar ku beegsato shacabka reer Falastiin iyagoo aan u digin.

Shalay, Israel waxay ku hanjabtay inay siideyn doonin biyaha iyo korontada ay ka jartay Qasa, ilaa laga soo daynayo dadka u qafaalan Xamaas.

Ad
Previous articleIsra’il Oo Shuruud Adag Ku Xirtay Inay Go’doominta Ka Qaado Gaza
Next articleMadaxweynaha Raysulwasaaraha iyo Wafdi kale oo la Kulmay Hogaamiyaha SSC khaatumo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here