Home Wararka Maanta Isra’il Oo Shuruud Adag Ku Xirtay Inay Go’doominta Ka Qaado Gaza

Isra’il Oo Shuruud Adag Ku Xirtay Inay Go’doominta Ka Qaado Gaza

0

Israa’iil ayaa Khamiistii ku qaaday weeraro cusub marinka Gaza, iyaga oo wacad ku maray inaanay dhimi doonin duqaymaha ay ka geysanayso dhulka ay maamulaan Xamaas, illaa ay kooxdaasi sii daynayso dadkii ay soo qafaasheen oo lagu qiyaasayo illaa 150 qof.

Wasiirka tamarta ee Israa’iil Katz ayaa bartiisa X ee hore loogu yaqaanay Twitter ku sheegay, inaan wax koronto laga daari doonin, wax biyo ah loo sii dayn doonin, isla markaana aan loo ogolaan doonin in gaadiidka shidaalka sidaa ay galaan, illaa laga sii daynayo dadka laga afduubtay gudaha Israa’iil.

Wuxuu intaas ku daray “Bini’aadantinimo lagu bedesho bini’aadantinimo. ma jirto cid noo sharixi karta, qiyamkayaga”

Israa’iil ayaa sheegtay inay isu diyaarinayso hawlgal dhinaca dhulka ah, hase ahaatee may sheegin xilli rasmi ah. Waxaana masuuliyiinta Israa’iil ay sheegayaan inay xuduuda Gaza ku diyaariyeen illaa 300,000 oo ka mida ciidamada kaydka ah.

Maraykanka ayaa sheegay in illaa 27 ka mida muwaadiniintiisa in lagu dilay weerarkii Xamaas, halka 14 kalena la la’yahay.

Qaramada Midoobay ayaa dhinaceeda sheegaysa in 340,000 oo qof oo Falastiiniyiin ahi inay ka barakaceen guryahooda ku yaalla Gaza, halkaas oo in ka badan 70% ka mid ahi ay gabbaad ka dhiganayaan dugsiyada Qaramada Midoobay.

Ad
Previous articleIsrael oo duqeyn ku xasuuqday Dad reer Falastiin ahaa oo ka badanaa 50 qof oo hal dhisme ku jiray
Next articleWar Deg deg ah: Qaar kamid ah dadkii ay Xamaas ka qafaalatay Israa’iil oo la dilay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here