Home Wararka Maanta Madaxweynaha Raysulwasaaraha iyo Wafdi kale oo la Kulmay Hogaamiyaha SSC khaatumo

Madaxweynaha Raysulwasaaraha iyo Wafdi kale oo la Kulmay Hogaamiyaha SSC khaatumo

0

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa xarunta madaxtooyada kulan kula qaatay hoggaamiyaha deegaannada SSC, Cabdiqaadir Axmed Firdhiye, oo maalmahaan Muqdisho ku sugnaa.

Kulanka waxaa sidoo kale qayb ka ahaa raysal wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, iyo mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha kale ee dowladda.

Waxaa uu Cabdiqaadir Axmed Firdhiye warbixin madaxda ka siiyay xaaladihii ugu dambeyay ee SSC iyo caqabadihii ka dhashay dagaalladii halkaa ka dhacay.

War kooban oo lagu baahiyay bogga Villa Somalia ayaa lagu sheegay, in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu u sheegay hoggaamiyaha deegaannada SSC, in dadka deegaannadaas looga baahanyahay in ay ka shaqeyaan nabadda, wada noolaashaha iyo xasiloonida.

Ad
Previous articleWar Deg deg ah: Qaar kamid ah dadkii ay Xamaas ka qafaalatay Israa’iil oo la dilay
Next articleWar Deg Deg ah:Shaqaale ka tirsan safaarada Israel oo lagu weeraray magaalada Beijing ee Dalka Shiinaha iyo Dhaawacyo Culus oo ka Dhashay Weerarkaas

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here