Home Wararka Somaliya War deg deg Ah:- Musharixiinta Somaliya oo ku dhawaaqay Banaan-bax kale maalinta...

War deg deg Ah:- Musharixiinta Somaliya oo ku dhawaaqay Banaan-bax kale maalinta Jimcaha

0

Gudoomiyaha Golaha Midowga Murashaxiinta Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa Shir jaraa’id uu qabtay Duhurnimadii kaga hadlay Xaalada Dalka iyo Arimaha Doorashada.

Sheekh Shariif ayaa ku celiyey in Mudaaharaadkooda uu yahay mid dhacaya oo aan la fara gelin Karin,Awoodna la isticmaali Karin.

Shariif ayaa sheegay in Jimcihii 19-kii Bishaan la isku dayey in la khaarajiyo Madaxweynayaashii ka horeeyey Farmaajo ee isaga iyo Xasan Sheekh Ka mid yihiin,waxaana uu ku eedeeyey Villa Soomaaliya inaysan ka raali gelin wixii dhacay.

Gudoomiyaha Murashaxiinta ayaa iclaamiyey in Jimcaha 26-ka Bishaan Banaanbax ka dhigayaan fagaaraha Daljirka Dahsoon oo Jimcihii hore laga hor istaagay.

Murashaxiinta ayaa Dawlada uga digay in dhiigooda ku baneysato,Hadal uu yiri qof aan Midowgooda ka tirsaneyn,Iyadoo ay umahad celiyeen Go’aanada Geesinimada Leh Ee Ku dhawaaqeen Axmed Madoobe & Siciid Cabdullaahi Deni,oo xogo dahsoonaa soo gudbiyey.

Sheekh Shariif ayaa Uga digay Askarta Qaranka in la adeegsado,islamarkaana sheegay in Heshiiskii 17-kii September la bur burinayo ayna umuuqato in Dalka Afgembi lagu doonayo in lagu qabsado.

Ad
Previous articleMadaxweyne Farmaajo oo guddoomiyey kulan hordhac u ah Shirka Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka
Next articleDowlada Somaliya oo baaq cusub u dirtay Maamulada Puntland iyo Jubbaland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here