Home Wararka Somaliya War deg deg ah: Gantaalkii Shiinaha oo Dhulka kusoo dhacay

War deg deg ah: Gantaalkii Shiinaha oo Dhulka kusoo dhacay

0

Gantaalkii Shiinaha kasoo baxsaday  ayaa goor dhaweyd ku  dhacay Badweynta Hindiya, gaar ahaan biyaha Jasiirada Maldives- sidaasi waxaa shaaca ka qaaday warbaahinta Shiinaha.

Dayax gacmeedkan oo lagu magacaabo Long March ayaa lumiyey awoodii maamulka hortaantii todobaadkii hore, waxaana uu ku socday xawaare gaaraya 27,000 km saacadii.

Inta badan dowladaha Caalamka gar ahaan kuwa Afrika ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ay muujinayeen cabsi la xiriirta in uu kusoo dhaco, iyada oo dalal dhowr ah oo ka tirsan Afrika uu dhowr jeer dil maray.

War kasoo baxay dowladda Shiinaha ayaa waxaa lagu sheegay in Gantaalka uu bur buray, isaga oo ana geysan wax dhibato ah, waxaana tan ay meesha ka saareeysaa cabsidii ay qabeen dalal badan oo ka tirsan Caalamka.

Ad
Previous articleMadaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay Ganacsatada Soomaaliyeed (Sawiro)
Next articleMidowga Musharaxiinta oo ka hadlay Wakiilka Cusub ee Midowga Afrika usoo Magacaawday Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here