Home Wararka Maanta WAR DEG DEG AH: Ciidamada Amaanka Oo Gacanta Kusoo Dhigay Ragii Shalay...

WAR DEG DEG AH: Ciidamada Amaanka Oo Gacanta Kusoo Dhigay Ragii Shalay Hoobiye Ku Garaacay Garoonka Aadan Caade

0

Booliska Soomaaliya ayaa Goordhow Soo Bandhigay Sawirada Ninkii Hogaaminaayay Weerar hoobiyaal ah oo Shalay lagu Qaaday garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho.

Taliska Qeybta Guud ee Booliska Gobalka Banaadir oo Soo Bandhigay ninkaan oo la Sheegay inuu  Hoggaaminayay weerar loo adeegsaday Gantaallo Macmal ah oo la doonayay in lagu qalqal galiyo Shacabka Magaalada Muqdisho.

War Qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Qeybta Guud ee Booliska Gobalka Banaadir ayaa lagu yiri 25-6-2023 abaaro 11:30 am, ayaa Khawaarijtu waxay weerar gantaalo macmal ah ku qal qal galiyeen Shacabka Caasimadda, kuwaas oo aan wax dhibaato ah geesan.

Kadib howlgal degdeg ah oo ay qaadeen Ciidamada qaabilsan sugidda amniga Caasimadda ayaa waxa ay gacanta kusoo dhigeen dhagarqabe hogaaminayay maleeshiyaadka weerarka soo qaaday, kaas oo magaciisa ku sheegay, Xuseen Cali Deerow Buule waxaana la horgeyndoonaa Maxkamadda ku shaqada leh danbiyada noocaan oo kale ah.

Sidoo kale ciidamadu waxa ay ka hortageen gantaalo rakiban oo aan wali laridin, waxaana gantaaladii lagu burburiyay isla goobtaas halka baaris ay ku socoto dhagarqabihii la soo qabtay.

Ad
Previous articleAyagoo nool ayay is xabaaleen si ay lacag uga helaan daawashada dadka baraha bulshada kala socda, maxayse kala kulmeen gudaha qabriga?
Next articlePuntland oo gacanta ku dhigtay Ajaaniib ka tirsan Daacish

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here