Home Wararka Somaliya Puntland Puntland oo gacanta ku dhigtay Ajaaniib ka tirsan Daacish

Puntland oo gacanta ku dhigtay Ajaaniib ka tirsan Daacish

0

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal qorsheysan oo ay Isniintii shalay ciidamada Puntland ka fuliyeen buuraleyda gobolka Bari.

Howlgalka oo si gaar ah uga dhacay buuraleyda Camaamo ee degmada Balli-dhidinn ayaa waxaa lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda Daacish.

Taliska ciidanka booliska Puntland oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa shaaciyay in howlgalka ay qaadeen, kadib xogo ay ka heleen dadka degaanka ee ku sugan halkaasi.

Warbixinta kasoo baxday booliska waxaa lagu sheegay in howlgalkan lagu soo qabtay ajaaniin kasoo kala jeeda dalalka Syria iyo Sudan, kuwaas oo uu ku jir sarkaal sare oo lagu magacaabo Maxamed Ibraahim Daaha, sida lagu sheegay warsaxaafadeedkan.

“Waxay ciidanka Booliska Puntland gacanta kusoo dhigeen Ajaaniib u dhashay dalalka Syria iyo Sudan, uuna kamid yahay Mohamed Ibraahim Daaha” ayaa lagu yiri qoraalka booliska.

Sidoo kale waxa uu talisku intaasi kusii daray in howlgalka ay sii wadi doonaan, isla-markaana ujeedkooda uu yahay inay burburiyaan xarumaha Daacish ee ku yaalla halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana weli deegaanada howlgallada laga sameeyay ku sugan ciidamada ammaanka Puntland.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxaya dhinaca kooxda Daacish oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegatay dowlad goboleedka Puntland.

Daacish ayaa ku xoogan dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, halkaas oo ay inta badan ka fuliso weeraro gaadmo ah oo ay ku qaado ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland.

Ad
Previous articleWAR DEG DEG AH: Ciidamada Amaanka Oo Gacanta Kusoo Dhigay Ragii Shalay Hoobiye Ku Garaacay Garoonka Aadan Caade
Next articleCiidanka Booliiska oo Muqdisho ku qabtay nin Burcad ah iyo Mooto uu watay (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here