Home Wararka Maanta Ayagoo nool ayay is xabaaleen si ay lacag uga helaan daawashada dadka...

Ayagoo nool ayay is xabaaleen si ay lacag uga helaan daawashada dadka baraha bulshada kala socda, maxayse kala kulmeen gudaha qabriga?

0

Sannadddii dambe ayaa waxaa aad u soo badanayay isticmaalka baraha bulshada gaar ahaan dhalinyarada lacagta iyo daawashada ka raadineysa tirada dadka ku xiran ama daawada barahood bulshada

Jimmy Donaldson

Jimmy Donaldson, oo aad loogu yaqaan Mr Beast, waa YouTuber muuqaaladiisa ka sameeya waxyaabo badan oo yaab leh.

Qaar ka mid ah fiidiyowyadiisa waa kuwo aad khatar u ah laakiin ugu yaraan 30 milyan oo qof ayaa daawata halkii muuqaalba. Qaarkood xitaa waxay gaareen100 milyan.

Mr Beast waxa uu isku dhex aasay sanduuqa la geliyo godka qabriga muddo 50 saacadood ah waxaana uu khibradaasi u duubay 57 milyan oo taageereyaal ah oo uu ku leeyahay Youtube-ka.

Waxa uu in ka badan laba maalmood ku jiray qabriga. ‘Mr Beast’ 50 saacadood ayuu isagoo nool ku qaatay sanduuqa ka dib markii nolosha lagu aasay.

Kaamiro ayaa la geliyey gudaha naxashka waxaana 12-daqiiqo oo keliya isku dayga la soo galiyay Youtube-ka.

MrBeast ayaa daawadayaashiisa u sheegay khibradiisa wuxuuna qirtay inuu kaadida isku celinayay. Sidoo kale waxa uu si joogto ah ula xiriirayay asxaabtiisa goobta joogtay.

Waayo-aragnimadu ma ahayn mid sahlan maadaama uu bilaabay inuu dareemo xanuun iyo cabsi maalin ka dib.

“Dhabarka ayaa i xanuunaya, waxaana bilaabay inaan dareemo cabsi xooggan, caajis iyo madax xanuun. Sidoo kale ur ayaan dareemay,” Muqaalka MrBeast ayaa sidaas laga maqlay.

Laakiin ugu dambeyn 22-sano jirkan ayaa waxa uu dhaafiyay 50-saacadood, cabsi iyo qiiro ayaa ka muuqatay wajigiisa markii laga soo saarayay qabriga.

Muhammed Bahçecik

Sanduuqa Meyda ee uu isaga nool galay Maxamed Bahçecik auyaa waxaa lagu dhisay qalab ay ka mid yihiin qalabka la socodka caafimaadka iyo oksijiin.

Haddii ay dhacdo xaalad degdeg ah, waxa kale oo jiray ambalaas dhawr tallaabo u jirtay goobta uu isku aasay YouTubekan. Intaa waxaa dheer, qalabkan waxaa si buuxda ula socday raadiyowyo, kamarado, iyo qalab kale oo xaaladdiisa u sheegaya dhakhtar ku sugan bannaan qabriga.

Ugu dambeyntii, markii uu dhulka hoostiisa ku jiray muddo lix saacadood ah, ayaa lagu soo bixiyay wiish. Falkii ka dib, Bahçecik wuxuu yiri: “Waxaan bartay sida ay noloshu u qurux badan tahay ama ay u macaan tahay.”

“Markii aan galay qabriga, waxaan ka fikiray xaaladda dhammaan dadkii aan jeclaaa ee ku soo aasnay qabriga,” ayuu raaciyay.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan hadda si fudud u neefsan karo sababtoo ah muddo 6 saacadood ah, waxaan ka neefsanayay tuubo ay oksijiin ku xirantahay. Waxaan ogaaday in noloshu ay tahay wax aad u qurux badan. Waligay sidan uma argagixin.”

Ad
Previous articleHogaamiyihii kooxda Wagner oo farriiin Cusub soo diray
Next articleWAR DEG DEG AH: Ciidamada Amaanka Oo Gacanta Kusoo Dhigay Ragii Shalay Hoobiye Ku Garaacay Garoonka Aadan Caade

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here