Home Wararka Maanta War Cusub oo Horleh oo kasoo Kordhay Cunaqabataynta Maraykanku Saaray Madaxda Soomaalida

War Cusub oo Horleh oo kasoo Kordhay Cunaqabataynta Maraykanku Saaray Madaxda Soomaalida

0

Tafaasiil kale oo dheeri ah ayaa ka soo baxeysa cunaqabateynta dowladda Mareykanka ee la xiriirta doorashada Somalia. Waxaa la sheegayaa in qaar ka mid ah diyaaradaha caalamiga ah ee ka shaqeeya Somalia iyo goblka, loo gudbiyay magacyo ay ku qoran yihiin waxa loo yaqaanno “No Fly List” oo saameynaya, dadka cunaqabateynta Mareykanku ay beegsaneyso, ha wateen baasabborro Somali ah ama kuwo ajnabi ah.

Diyaaradahan waxaa lagu cadaadinayaa in aysan u oggloaan in ay raacaan dadka liiskaasi ku jira. Haddii ay qaadaanna ruux ka mid ah dadkaasi waxay la kulmi karaan ganaax kaga yimaada dowladda Mareykanka.

Waxaa la saadaalinayaa in arrintani ay khilaaf xagga qaanuunka iyo siyaasadda ah ka dhex dhalin doonto dowladda Mareykanka iyo qaar ka mid ah dowladaha xulafadeeda ah oo ay dadkaasi ka heystaan dhalashada. Taas oo fulinteeda ay saameyn kale yeelan karto.

 

Ad
Previous articleRuushka oo Xabad joojin Degdeg ah uga Dhawaaqay Dagaalkii Ukrain
Next articleYaa Ku guulaystay Kursigii u ku Fadhiyay Wasiir Jamaal oo Maalmahan Muran Xoogan ka Taagnaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here