Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Cabdiraxman Shiikh Xasan Oo ay weheliyaan Ku Xigenkiisa Eng Maxamed Cabdi Cilmi iyo Lataliyaha Sare ayaa Maantay Xarunta Dowladda Hoose ku Qaabilay ku Xigeenka Wakiilka UNHCR ee Soomaaliya iyo Xubno la Socday.
Wafdigan ka Socday Hay’adda UNCHR oo ay Hogaaminaysay Marwo Terhas Berhe ayaa Maayarka Degmada kala hadashay Dar dar Galinta Barnaamijka Xalka Waara Oo DeegaamiinLoogu Sameynaayo Dadka Barakacayaasha ah Ee ku nool Degmada Gaalkacyo.
Kulanka Kadib Maamulka Degmada iyo Wafdiga UNHCR Ayaa kormeer ku tagay goobta loo diyaariyey in laga hirgeliyo Barnaamijka Xalka Waara oo ay u qorsheysay Maamulka Degmada in dib u dejin loogu sameeyo Qoysaska Barakacyasha ah ee Magaalada Gaalkacyo.
Ad