Home Wararka Maanta Wafdi Heer Sare oo Maraykan ah oo Soo Gaaray Hargaysa Maxay...

Wafdi Heer Sare oo Maraykan ah oo Soo Gaaray Hargaysa Maxay Tahay Ujeedka Wafdigaan?

0

Magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland waxaa maanta gaaray wafdi ka socda dowladda Mareykanka, kuwaas oo ka dagay gudaha garoonka diyaaradaha ee magaaladaas, halkaas oo si billaaran loogu soo dhoweeyey.

Wafdigan ayaa kasoo kicitimay dhanka dalka Jabuuti, waxayna isugu jiraan diblomaasiyihiin iyo saraakiil ka socota wasaaradda gaashaandhigga ee wadanka Mareykanka.

Wararka aan helnay ayaa sidoo kale sheegaya in xubnahan uu horkacyo taliyaha ciidamada Maraykanka ee saldhiggoodu yahay dalka Jamhuuriyadda Jabbuuti, iyada oo loo galbiyey dhanka madaxtooyada, halkaas oo ay kula kulmi doonaan madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in xubnaha wafdigan ay booqan doonaan Dekadda magaalada Berbera oo ay gacanta ku heyso Shirkadda DP World.

Illaa iyo hadda ma jiro wax faah faahin oo ay xukuumadda Hargeysa ka bixisay socdaalka wafdiga Mareykanka ee gaaray magaaladaasi.

Booqashadan ayaa daba socota socdaalkii uu dhowaanMuuse  Biixi ku tegay Mareykanka, isaga oo kulamo lasoo yeeshay madax ka tirsan dalkaasi iyo Jaaliyadda Somaliland.

Ad
Previous articleHoolka Hadal Jeedinta Musharixiinta Madaxweynaha oo Ceeb Wayn ka Taagantahay(Sawiro)
Next articleFarmaajo oo Micneeyey Wuxuu ula Jeedo isbadal Doonka Socda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here