Home Wararka Maanta Waddankii ay ku dagaallami lahaayeen Zuckerberg iyo Elon Musk oo la shaaciyey

Waddankii ay ku dagaallami lahaayeen Zuckerberg iyo Elon Musk oo la shaaciyey

0

Dagaalkii qorsheeysnaa ee u dhexeeya hogaamiyayaasha teknolojiyadda Elon Musk iyo Mark Zuckerberg ayaa la soo sheegayaa in Meesha uu ka dhici karaa ay tahay Talyaaniga, si gaar ah magaalada qadiimiga ah Rome.

Xogtii u danbaysay ee sheekadas, wasiirka dhaqanka ee Talyaanigu ayaa sheegay in Jimcihii in uu Mr Musk kala hadlay martigelinta bandhiggaas oo ah munaasabad samafal.

Maamulayaashan bilyaneerrada ah ee kala haysta shirkadahaTesla iyo Meta (oo hore u ahaan jirtay Facebook) ayaa midba midka kale ku xifaalaynayey in ay feertami donaan tan iyo bishii Juun.

Haddii ay sii socoto oo feerkaasi dhaco sida qorshuhu yahay, malaayiinta lacagta ah ee kasoo xaroota ayaa la qorsheynayaa in loogu deeqo isbitaallada carruurta.

Si kastaba ha ahaatee, Mr Zuckerberg ayaa sheegay in aan ilaa hadda la isku afgaran taariikhda uu dhici doono feertankaasi.

Elon, isaga oo ku sii faahfaahinaya aragtidiisa barta bulsheed ee X (oo hore loogu yiqiin Twitter), Mr Musk wuxuu sheegay in ay wada hadleen ra’iisul wasaaraha Talyaaniga iyo wasiirka dhaqanka labadaba, isla markaana la isku afgartay in dalkaas ay ku qabtaan maalintaas aadka loo hadal hayo.

Ad
Previous articleMadixii Miinooyinka Alshabaab oo Isku Dhiibay Ciidamada Galmudug
Next articleFeeryahan Muslim ah oo diiday inuu tababaro ninka ugu taajirsan adduunka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here