Home Wararka Maanta Feeryahan Muslim ah oo diiday inuu tababaro ninka ugu taajirsan adduunka

Feeryahan Muslim ah oo diiday inuu tababaro ninka ugu taajirsan adduunka

0

Warbaahinta caalamka ayaa tebisay in Khabib Nurmagomedov oo ah feeryahan caalami ah oo u dhashay dalka Ruushka uu diiday codsi ugu yimid maalqabeenka leh shirkadda X (Twitter), Elon Musk.

Ninkan oo hadda kaalinta koobaad kaga jira maalqabeennada dunida ayaa tartan feer u ballansaday milkiilaha Facebook, Mark Zuckerberg.

Labada maalqabeen ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa ka dhexeeyay xifiltan xooggan oo dhanka tiknoolajiyadda ah, waxa ayna taa horseeday in ay isu ballansadaan tartan feer.

Wakaaladda wararka ee Ruushka, TASS, ayaa sheegtay in Khabib oo lagu naanayso “The Eagle” uu diiday codsiga uga yimid Elon Musk.

“Elon Musk waxa uu doonayay in Khabib Nurmagomedov uu ka caawiyo isu diyaarinta feerka uu la ciyaari rabo Mark Zuckerberg. Hase yeeshee Khabib waa uu diiday codsigaas, sababtuna ma uusan shaacin,” ayay sheegtay wakaaladda.

Bishii June ayay ahayd markii ay labada maalqabeen ku heshiiyeen in ay feertamaan.

Guddoomiyaha shirkadda Ultimate Fighting Championship (UFC) ee qaban-qaabisa tartannada feerka, Dana White, ayaa sheegay in labada nin ay dhab ka tahay arrintaas, oo lacagta ka soo baxda tartankaas ay ugu deeq doonaan hay’adaha samafalka.

Musk ayaa sheegay in dowladda Talyaaniga uu kala hadlay martigelinta feerka oo uu rabo inuu ka dhaco “goob taariikhi ah”.

Wasiirka dhaqanka ee Talyaaniga, Gennaro Sangiuliano, ayaa sheegay in lagala hadlay arrinta feerka, balse aanu ka dhici doonin goobaha taariikhiga ah ee caasimadda Roma.

Balse Musk ayaa sheegay in madaxda Talyaaniga ay oggolaadeen in feerka uu ka dhaco goob qadiimi ah, waxa uuna beeniyay in qaban qaabada ay leedahay shirkadda UFC.

Feeryahan Khabib

Sanadkii 2020, Khabib Nurmagomedov ayaa feerkiisii ugu dambeeyay la cayaaray Justin Gaethje, Markii uu ka guulaystay ayuu shaaciyay in uu ka fariistay gebi ahaanba tartannada feerka.

Waxa uu warkaas ka shaaciyay goobta uu feerka ka dhacay, isagoo intaa raaciyay in go’aankaas uu ahaa mid u qarsoon oo aanay cidna la ogeyn.

Go’aanka ayaa daba socday geerida aabbihii Abdulmanap, oo sidoo kale u ahaa tababare. Waxa uu Khabib sheegay in hooyadii uu ka ballanqaaday in uu gebi ahaanba joojin doono feerka, waxa uuna tan iyo waagaas diiday fursado uu dhaqaalo badan ku heli karay haddii uu xirfaddaas ku soo noqdo.

Kadib markii uu ka fariistay feerka, waxaa uu muddo kooban tababare u ahaa saaxiibbadii iyo qaar kamid ah kooxdiisa, balse markii dambe taana uu joojiyay. Waxaa suuragal ah in arrintaas ay sababtay inuu diiddo codsiga uga yimid Elon Musk.

Ad
Previous articleWaddankii ay ku dagaallami lahaayeen Zuckerberg iyo Elon Musk oo la shaaciyey
Next articleXasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb kula kulmay Marwo Catriona Laing(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here