Home Wararka Maanta Wadahadaladii Ukarain iyo Ruushka oo la Filaayo inay Furmaan Goordhow

Wadahadaladii Ukarain iyo Ruushka oo la Filaayo inay Furmaan Goordhow

0

Dowladda Belarus, ayaa sheegtay iney diyaarisay goob lagu marti galinayo wada hadal u dhaxeeya wufuud ka kala socota Ukraine iyo Ruushka, iyadoo duullaanka maamulka Moscow uu ku qaadey dalka dariska ee dhaca dhanka galbeed uu galey maalintii shanaad.

 

Wefdi uu hogaaminayo Wasiirka Difaaca Ukraine Oleksii Reznikov ayaa goordhaweyd gaaray xadka Ukraine iyo Belarus si ay uga qayb galaan wadahadalka la dhex dhigay iyaga iyo Ruushka.

Bayaan kasoo baxay Ukraine waxaa lagu yiri “wadahadaladu waa xabbad joojin deg deg ah iyo ka bixitaanka ciidamada Ruushka ee Ukraine.

Dowladda Ukraine ayaa tilmaantey in kulanka aaney wax natiijo ah ka soo bixi doonin, waxaa madaxweyne Volodymyr Zelensky uu isna sheegay inuusan fileynin in wada hadalada ay kasoo baxayaan natiijo wax ku ool ah.

“Sida had iyo jeer dhacda: Runtii ma rumeysni natiijada shirkani, laakiin ha isku dayaan,” ayuu yiri Zelenzky.

Xaaladda Ukraine ayaa weli aad u qasan, waxaana dagaalka uu galay maalintii shanaad oo xiriir ah, kaas oo noqday mid ay si weyn isha ugu heyso dunida oo dhan.

 

Ad
Previous articleDad Soomaliyeed oo ku Xaniban Xuduudka Boolan iyo Ukrayn
Next articleDadka Ku Haray Caasimada Ukrain oo laagu Baaqay inay Deg Deg uga Baxaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here