Wadaad Muslim ah oo Kampala lagu dilay Sabab la Xiriirta Qaraxyadii dhawaan

Ciidamada ammaanka dalka Uganda ayaa toogasho ku dilay wadaad Muslim ah oo lagu eedeeyay in uu la shaqeynayay koox hubeysan oo lala xiriirinayo qaraxyo ismiidaamin ah oo ka dhacay Kampala.

Saraakiisha ayaa sheegay in Sheekh Muhammad Abaas Kirevu, uu shaqaaleysiiyay unugyo ay maamulaan kooxda Allied Democratic Forces (ADF), kuwaas oo sheegtay in ay daacad u yihiin kooxda isku magacawday dowladda Islaamiga ah.

Wadaadka waxaa lagu dilay meel ka baxsan magaalada Kampala.

Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhimatay weerarkii qaraxa ahaa ee ka dhacay bartamaha magaalada Kampala.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*