Home Wararka Somaliya Puntland Ra’iisul Wasaare Rooble oo maanta tagaya Caasimada Garoowe ee Puntland

Ra’iisul Wasaare Rooble oo maanta tagaya Caasimada Garoowe ee Puntland

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxaa lagu wadaa in Maalinta Berito oo Sabti ah inay gaaraan Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha oo shalay dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho ayaa la filayaa in uu Magaalada Garoowe uga qeyb galo kulamo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Rooble uu ka codsaday labada Madaxweyne ee Dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland in aysan kala tegin si markii uu Garoowe tago uu kulan ula yeesho.

Kulanka dhinacyada ayaa waxaa intiisa badan diirada lagu saari doonaa arrimaha doorashooyinka Golaha Shacabka, sidoo kalena Madaxweynaayaasha Jubbaland & Puntland ay Ra’iisul Wasaaraha u gudbin doonaan dalab ku aadan inay doonayaan in hal degaan laga dhigo doorashada Golaha Shacabka.

Ad
Previous articleWadaad Muslim ah oo Kampala lagu dilay Sabab la Xiriirta Qaraxyadii dhawaan
Next articleCiidanka NISA oo Muqdisho ka sameeyay Howlgalo Dad lagu soo qab qabtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here