Home Wararka Maanta Kenya ” Dad lagu Eedeeyay Argagixisanimo oo xabsi ka baxsaday ayaa gacanta...

Kenya ” Dad lagu Eedeeyay Argagixisanimo oo xabsi ka baxsaday ayaa gacanta lagu dhigay

0
Dowladda Kenya ayaa dib gacanta ugusoo dhigtay eedeysanayaal Argagixiso oo ka baxsaday Xabsi kuyaalla dalka Kenya, kuwaas oo  hadda lagu xiray Kitui xilli ay ku sii jeedeen Soomaaliya.

Raggan oo lagu kala magacaabo Mohammed Ali Abikar, Joseph Juma Odhiambo iyo Musharaf Abdallah Washiali, ayaa Waxa ay ka baxsadeen xabsi si weyn ammaankiisa loo ilaalinayay.

Waxa ay jebiyeen gidaarka qolka ay ku jireen. Kadib waxay adeegsadeen bustayaal, xadhig iyo ulo xaaqin ah si ay u abuuraan xadhko macmal ah oo ay kaga boodaan darbiga xabsiga.

Arbacadii, madaxweyne Kenyatta ayaa ku amray wasiirkiisa arrimaha gudaha Kenya Dr. Fred Matiang’i, in wax kaste lagu bixiyo sidii gacanta loogusoo dhigi lahaa saddexdan nin.

Mid kamid maxaabiista dib loosoo qabtay ayaa ku xukumnaa 41 sano oo xarig ah, isagoo lagu eedeeyay ku lug lahaanshiyaha mid ka mid ah weeraradii ugu xumaa ee  Kenya ka dhacay.

Isniintii ayuu ka baxsaday xabsiga, isaga iyo labo maxbuus oo kale oo loo haystay dambiyo la xiriira argagixisanimo, sida ay masuuliyiinta Kenya warbaahinta u sheegeen.

War qoraal ah oo ka soo baxay hogaanka dambi baarista Kenya ayaa lagu sheegay mid ka mid ah maxaabiistii baxsatay ee lagu magacaabo Maxamed Cali Abiikar oo 41 sano lagu xukumay  inuu ku lug lahaa weerarkii Jaamacadda Gaarisa ee sanadkii 2015-kii oo lagu dilay 148 ruux oo arday u badan.

Ad
Previous articleQaramada Midoobey oo ku baaqday in si Deg Deg ah loo dhameeyo Doorashada Golaha shacabka
Next articleWadaad Muslim ah oo Kampala lagu dilay Sabab la Xiriirta Qaraxyadii dhawaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here