Home Wararka Somaliya Galmudug Waa Sidee Xaalada Deegaanka Haraale kadib Laba Maalin oo Dagaal Kasocday?

Waa Sidee Xaalada Deegaanka Haraale kadib Laba Maalin oo Dagaal Kasocday?

0

Xaalada Deegaanka Haraalle ee galbeedka Balanballe ayaa Dagan ka Dib Dagaal Khasaare Baaxad leh Gaystay oo Shalay ka Dhacay deegaankaas.⁹

Isimada Dhaqanka iyo siyaasiyiinta Deegaanka maleeshiyaadku ku Dirirayaan ayaa Dhankooda baaq Udirey beelaha Dagaalamay.

Dagaalkaan Ayaa Geystay Qasaara Farabada kudhawaad 30 Qof ayaa Ku Dhimatay inta Laxaqiijiyay oo Ka Kala Tirsaba Maleeshiyaadki  Dagaalamay kuwaas oo Kasoo Kala Jeeday Degmada Balanbal iyo Degmada Guriceel.

Dhaawacyo Farabadan ayaa Lasoo Gaarsiiyay  Magaalada Muqdisho kuwaas oo laga kala Keenay Degmada Guriceel iyo Degmada Caabudwaaq.

Majirto Wax Dadaalo ah oo ilaa Haatan Kasoo Baxay Dowlada Goboleedka Galmudug Dagaalkaan ayaana iskiis u istaagay Waxaaba Laga Cabsi Qabaa in Markale Dagaalku Dib ubilowdo.

Ad
Previous articleMusharax Shalay Lagu Weeraray Garowe oo Mantay Xildhibaan Loo Doortay
Next articleWasiir iyo 3 Musharax oo kale oo wax kayar Saacad gudeheed lagu Doortay Magaalada Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here