Qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa ka caga jiidaya inay u gudbiyaan xafiiska ra’iisul wasaaraha liiska guddiyada doorashooyinka.
Maamulada Puntland iyo Jubbaland oo hore loogu eedeeyay inay doorasho diid yihiin, oo aysan magacaabin Guddiga doorashada in muddo ahna ay ka caga jiidayeen intii uu jiray khilaafkii ka taagnaa doorashada ayaa gudbiyay liiska guddiyada doorashooyinka.
Hase yeeshee markii uu dhacay saxiixa heshiiskii doorashada 27 May 2021 waxay maalmo kaddib labada dowlad goboleed soo magacaabeen Guddiga doorashada ee labada heer, halka Galmudug, Hirshabelle iyo K/Galbeed aysan weli soo gudbin liiska Guddiga ku matalaya doorashada, iyadoo saddexdan Dowlad Goboleed ay ahaayeen kuwii u horreeyay ee soo magacaabay Guddiyadii muranka ka dhashay kaddib saxiixii 17 September 2020.
Waqtigii loo qabtay in lagu saxo liiska guddiyada doorashooyinka ayaa soo dhamaatay iyadoo weli aan xal laga gaarin guddiyada doorashooyinka waxayna taasi sababi kartaa in heshiiskii 27 may ee ahaa in lagu qabto doorashada muddo labo bilood gudaheed ah aysan suurtogelin.
Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka
Xukuumadda Somaliland ayaa warka ay qortay jariidadda Semafor, ee sheegaya in Soomaaliya ay dekedda Berbera ugu yaboohday Maraykanka, ku tilmaantay naf-lacaarinimo. Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, oo