Home Wararka Maanta Ciidmadii asluubta oo Laga qaaday Wadada Maxkamadda

Ciidmadii asluubta oo Laga qaaday Wadada Maxkamadda

0

Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed oo in Muddo ku sugnaa wadada Hormarta xabsiga dhaxe ee xamar, Wasaaradda Cadaalada iyo Maxkamadaha dalka ayaa Maanta laga qaaday.

Waxaana Lagu wareejiyay Goobahaas ciidamada Boliiska Soomaaliya, maadaama Lagu Eedeeyay inay ka dambeeyeen risaas Lagu riday Madaxweynihii Hore ee dalka Xasan sheikh Maxamuud.

Taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliya Mahad C/Raxmaan Aadan ayaa dhawaan qirtay in Ciidamada Asluubta ay ku qaldameen Xasan Sheikh Maxamuud risaasta ay ku fureen.

Labada Taliye ee kala ah Taliyaha Boliiska Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidamada Asluubta ayaana Maanta ku kala wareegay Goobahaas in Lagu wareejiyo Ciidamada Boliiska Soomaaliya, Maadaama Asluubtu ay dhowr shil Halkaasi ku galeen.

 

Ad
Previous article(Sawiro) Taliyihii shalay Lagu dilay Sh/dhaxe iyo askar la socotay oo Maanta Muqdisho Lagu aasay
Next articleWaa kuma Maamul Gobaleedyada ka caga jiidaya inay soo Magacaabaan Guddiyada doorashooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here