Home Wararka Somaliya imtixaanka Fasalka 8aad oo Maanta Laga daah Furay Magaaladd Galkacyo

imtixaanka Fasalka 8aad oo Maanta Laga daah Furay Magaaladd Galkacyo

0

Wasiiru  dowlaha Wasaaradda waxbarshada Galmudug Mursal Cabdi Aadan, oo ay wehliyaan Guddoomiye ku xigeenka dagmada Gaalkacyo Maxamed Cabdi Cilmi iyo masuliyiin kale ayaa si rasmi ah uga daah furay  maanta magaalada Gaalkacyo Imtixaanka dugsiga dhaxe oo ay u fariisteen Arday gaareysa 600, kuwaas oo qeyb ka ah sadax kun oo Arday oo guud ahaan Imtixaanka u fariistay deegaanada Galmudug.

Ku xigeenka duqa Degmada Gaalkacyo Maxamed Cabdi Cilmi, ayaa Ardayda kula dar daarmay dhowrista xeerarka Imtixaanka, isagoo dhan kalana u rajeeyay in ay noqdaan kuwa ka mira dhaliya waxbarashada.

Wasiiru diowlaha Wasaaradda waxbarshada maamul gobaleedka Galmudug Mursal Cabdi Aadan, ayaa sheegay in Ardayda Imtixaanka Dugsiyada dhaxe maanta u fariistay Gaalkacyo iyo guud ahaan Galmudug ay gaarayaan sadax kun oo Arday, halka magaalada Gaalkacyo ay u fariisteen imtixaanka lix boqal oo Arday.

Ad
Previous articleWaa kuma Maamul Gobaleedyada ka caga jiidaya inay soo Magacaabaan Guddiyada doorashooyinka.
Next articleHay’adda FAO oo digniin ka soo saartay Qatarka Anyaxa oo ku soo Wajahan Somaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here