Home Wararka Maanta Waa doorashadii ugu xamaasadda badneyd Nigeria, waana mid ay Afrika aad isha...

Waa doorashadii ugu xamaasadda badneyd Nigeria, waana mid ay Afrika aad isha ugu heyso

0

Tirinta codadka ayaa ka socota Nigeria kaddib doorashadii madaxtinnimo ee ugu adkeyd tan iyo markii uu dhammaaday xukunkii militariga sanadkii 1999.

Dadka u soo baxay codeynta ayaa aad u badan, iyadoo da’yar badan, markoodii ugu horreysay codeynaya ay goobaha codbixinta sii tageen aroor hore.

Codbixintii shalay ayaa waxaa hareeyay dib u dhac baahsan oo ka jiray goobaha codbixinta, iyo sidoo kale kale warar sheegaya in la xaday sanduuqyada codbixinta iyo weerarro ay geysteen rag hubeysan.

Xisbiyada qaar ayaa walaac ka muujiyay sheegashooyin la xiriira wax is daba marin, taasoo horseedi karta natiijo lagu murmo.

Doorashooyinkan ayaa ah kuwa dimuqraadiyadeed ee ugu waaweyn Afrika, iyadoo

ilaa 87 milyan oo qof la ansixiyay inay codeeyaan.

Siyaasadaha ayaa waxaa hareeyay labo xisbi – kan talada haya APC iyo PDP – tan iyo markii la soo celiyay hannaanka dimuqraaddiga ee axsaabta badan 24 sano kahor.

Balse markan, waxaa sidoo kale jira loollan adag oo ka imaanaya musharraxa xisbi saddexaad oo doonaya inuu beddelo Madaxweyne Muhammadu Buhari – waana ninka ka socda Xisbiga Shaqaalaha, Peter Obi, kaasoo taageero ka heysta da’yar badan.

Tobnaan kun oo goobaha codbixinta ah ayaa tirinaya natiijada, taasoo loo diri doono xarumaha waaweyn ee guddiga doorashada ee ku yaalla caasimadda Abuja.

Natiijada kama dambeysta ah ayaa la filayaa inay soo baxdo ilaa ugu yaraan Talaadada.

Shir jaraa’id oo uu shalay qabtay, guddoomiyaha guddiga doorashada, Mahmood Yakubu, wuxuu raalligelin ka bixiyay dib u dhaca ku yimid codbixinta, balse wuxuu sheegay in cid walba oo saf ku jirtay abbaaro14:30 xilliga dalkaas (13:30 GMT) loo oggolaan doono inay dhiibtaan codkooda, xitaa haddii goobaha codbixinta loogu talogalay in xilligaas si rasmi ah ay u xirmaay.

Codbixiyeyaasha magaalada ugu weyn, Lagos, ayaa farxad muujiyay markii ay saraakiisha doorashada gaareen goobta codbixinta ee ku taalla xaafadda Lekki ku dhowaad afar saacadood kaddib markii codbixinta si rasmi ah loo xiray.

“Nayjeeriyaan ahaan waad fileysaa wax walba, sidaa darted waxaan soo qaatay power bank iyo dhalo biyo ah. Waan sugayaa ilaa ay yimaadaan si aan u codeeyo,” ayay BBC u sheegtay Edith oo markeedii ugu horreysay codeyneysay.

Ad
Previous articleAlshabaab oo Laga Saaray saldhig wayn oo Difaacyo adag ku lahaayeen(Sawiro)
Next articleSoomaaliland oo Isaga Baxday Guud Ahaan Difaacyadii iyo Saldhigyadii aaga Tukaraq iyo SSC oo la Wareegtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here