Villa Somalia ayaa bilaabaysa dagaal ka dhan ah dhinaca Koonfur Galbeed, gaar ahaana Madaxweyne Laftagareen, sida ay sheegayaan wararka laga helayo shir ka dhacay Madaxtooyada Federaalka.
Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa u sheegay gudoomiye Aaden Madoobe iyo RW Xamse in Laftagareen ay wada hadli karaan oo kaliya, iyadoo Muqdisho lays kugu yimaado, uusana gorgortan lagaleyn maamul gobaleed oo aan loo joojin doonin, taas oo ah siyaasadii loo isticmaalay Puntland hayeeshee aan waxba laga faa’iidin.
Sida ay sheegayaan ilo wareedyo wargal ah, Madaxtooyada Soomaaliya ayaa mucaaradkii Laftagareen u balamisay Hotelo ay ku shiri doonan, ka dibna doonaysa in Baraawe si xoog ah lagu geeyo, oo halkaas lagu qabto dhoolatus siyaasadeed.
Qaar kamid ah saaxiibada Madaxweyne Xassan Sheikh ayaa sheegay in ay Laftagareen ku go’odoomin doonan Muqdisho, KG-na waxay sheegayaan in ay taas fahamsan yihiin.
Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar
Ciidamada Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo
Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay