Home Wararka Maanta Uhyru kenyata “Kenya waa walaal aad ku tashan kartaan”

Uhyru kenyata “Kenya waa walaal aad ku tashan kartaan”

0

Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta oo kamid ah madaxda ka qeyb-gashay xafladda caleemo-saarka ee Madaxweynaha Soomaaliya ayaa khudbad uu ka jeediyay ku sheegay inay furayaan xudduuda Soomaaliya iyo Kenya.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa sidoo kale tilmaamay in horumarka Kenya uu ku xiran yahay horumarka Soomaaliya, maadama ay yihiin labada dal oo deris ah.

“Kenya waa walaal aad ku tashan kartaan,” ayuu yiri Uhuru Kenyatta oo khudbad ka jeediyay xafalada caleemo-saarka madxaxweynaha Soomaaliye, Xasan Sheekh Maxamuud.

Kenya ayaa kamid aheyd dalal uu xiriirka Soomaaliya kala dhaxeeya uu si weyn u xumaaday intii uu tallada dalka hayay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dowladda Soomaaliya ee xiligaan uu hogaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa meesha ka saareysa siyaasadiisa kala jecleysiga ee lagu saleynayay xiriirka arrimaha dibedda.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa markale isla unkumaya xiriir diblumaasiyadeed wanaagsan, ayada oo labada dhinac ay muujiyeen niyad-sami iyo inay diyaar u yihiin ka wada-shaqeynta danaha labada dal.

Ad
Previous articleDibad Baxyo Xoogan oo Ka Bilowday Soomaaliland iyo Xaalada Oo Cirka isku shareertay
Next articleMadaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo la qaatay Madax kala duwan ee Kasoo Qayb gashay Cakeeemasaarkiisa(Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here