Home Wararka Somaliya Turkiga oo war ka soo saaray Qarax xalay Lagu laayay dhalinyaro

Turkiga oo war ka soo saaray Qarax xalay Lagu laayay dhalinyaro

0

War Qoraal ah oo ka soo baxay Dowladda Turkiga ayaa lagu sheegay in ay siweyn uga murugeysan yihiin weerarradii ugu danbeeyay ee ka dhacay dalka Soomaaliya, gaar ahaan Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee xalay iyo weerarkii Al-shabaab ay ka geysteen gobolka Shabeellaha Hoose.

Qoraalka ka soo baxay dowladda Turkiga ayaa lagu yiri” Waxaa ka xunnahay aan maqalno warka ku saabsan in askar iyo dad badan oo rayid ah ay naftooda ku waayeen Soomaaliya maanta (3da Abriil) weeraradii argagixiso ee lala beegsaday ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan.”

“Waxaan si adag u cambaareyneynaa weerarradan foosha xun ee argagaxiso, waxaana si kal iyo laab ah ugu tacsiyeynaynaa dowladda iyo shacabka aan walaalaha nahay Soomaaliyeed. Waxaan Allaah uga rajeynaynaa naxariistiisa kuwii ku nafwaayay weeraradaasi si deg deg ahna u bogsiiyo dhaawacyada kale.”

Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee xalay lagu qaaday maqaaxi ku taala magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku nafwaayay Lix ruux oo intooda badan ahaa dhalinyarro goobta ku caweynayay.

Qoraalka Dowladda Turkiga ‘

Ad
Previous articleGalmudug oo ka hadashay Dagaal ka dhacay Galgaduud.
Next articleWasaarada Caafimaadka Galmudug oo Walaac Ka muujisay Faafitaanka COVID-19

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here