Home Wararka Caalamka TPLF oo Digniin Adag Udirtay Dowlada Itoobiya

TPLF oo Digniin Adag Udirtay Dowlada Itoobiya

0

Hogaamiyaha TPLF Debretsion Gebremichael ayaa Dowlada Itoobiya ku eedeeyey iney xanibaad iyo cuno qabateyn ku heyso shacabka gobolka Tigray

Warqad dheer oo uu u diray Golaha amaanka ee QM ayuu ku sheegay in Shacabka Tigray ay maalin walba u dhintaan baahi iyo macluul

Debretsion Gebremichael ayaa xusay in dowlada Itoobiya aysan waxba ka qaban oo ay iska daawaneyso dhibaatooyinka ka jira gobolka Tigraym Wuxuuna tilmaamay in dulqaadkii uu ka dhamaaday.

Wuxuu sheegay in wixii hadda ka dambeeya ay talaabo adag qaadi doonaan, aysana iska fadhin doonin shacabkooda oo gaajo u dhamaanaya.

Dowlada Itoobiya ayaa weli go’doon cirka iyo dhulkaba ku heysa gobolka Tigray, marka laga reebo gargaar aan badneyn oo QM ay halkaas geysay.

Ad
Previous articleKhamiis uu xiran jiray Nabi Muxamad NNKH” oo lagu soo bandhigay
Next articleAxmed Karaash oo Xilka Qaadis iyo Magaacabi Sameeyey Tan iyo Markii uu Ku Dhawaaqay inuu Yahay Madaxweynaha Puntland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here