Home Wararka Maanta Tirada Iyo Magacyada Maantay Qaatay Shahaadada Musharaxnimo ee Madaxweynaha Soomaaliya(Akhriso)

Tirada Iyo Magacyada Maantay Qaatay Shahaadada Musharaxnimo ee Madaxweynaha Soomaaliya(Akhriso)

0

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka bilowday qaadashada shahaadada murashaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha 10-aad ee Somalia

Goobta laga bixinaayo shahaadada diiwaan gelinta murashaxiinta oo ah Xarunta aqalka sare ee baarlamaanka ayaa waxaa maanta gaaray toban musharax, iyadoo Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu ahaa murashaxii ugu horeeyay ee la diwaan geliyey

Tobanka ka Musharax Madaxweyne ee maalinta koowaad is diiwaan geliyay waxay kala yihiin.

1- Musharrax Shariif Shiikh Axmed

2- Musharrax Daahir Maxamuud Geelle.

3- Musharrax Xasan Cali Kheyre

4- Musharrax C/qaadir Cosoble Cali

5- Musharrax Bashiir Xaaji Cali (Jamaal)

6- Musharrax C/laahi Cali Xasan

7- Musharrax C/Nuur Shiikh Maxamed

8- Musharrax C/raxmaan Cabdishakuur

9- Musharrax C/Kariim Xuseen Guuled

10- Musharrax C/raxmaan Ablaal

Diiwaan gelinta musharaxiinta ayaa la filayaa iney socoto maalmaha soo socda, waxaana la filayaa in musharaxiintu ay kor u dhaafaan 20 xubnood.

 

Ad
Previous articleDeg Deg: Gudoomiye aadan Madoobe oo ku Dhawaaqay Xildhibaanada Saxda ah ee lagu soo Doortay Gobalka Gedo
Next articleGantaal Ruushku Ku Dhuftay School ku Yaal ukrain iyo Dad Farabadan oo Ku Dhintay(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here