Home Wararka Caalamka Tirada Dadka Shacabka ah Ukrain uga Dhimatay Dagaalka Ruushku Soo Qaaday oo...

Tirada Dadka Shacabka ah Ukrain uga Dhimatay Dagaalka Ruushku Soo Qaaday oo la Shaaciyay

0

Duulaanka ciidamada Ruushka ku qaadeen dalka Ukraine waxaa ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad shacab ah iyo sidoo kale ciidamada labada dhinac ee dagaalamaya.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay dagaalka Ukarine, waxa ay sidoo kale Qaramada Midoobay shaacisay in dad badan dagaalka ku barakaceen.

War kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in dagaalka Ukraine lagu dilay dad gaaraya  406 qof oo shacab ah halka dhaawacyo kala duwan dagaalka kusoo gaareen ilaa  800-qof oo rayid ah.

Dagaalka ka socda dalka Ukraine ayaa sidoo kale galaaftay nolosha kumanaan askari oo dhinacyada dagaalamaya, waxaana labada dhinac guulo kala duwan ka sheegteen dagaalka socdo in ka badsan 10-maalin.

Ad
Previous articleIMF oo Digniintii ugu Danbaysay usoo Dirtay Dowlada Soomaaliya
Next articleMadaxweyne Farmaajo oo Dalka Dib ugu Soo laabtay kadib Maalmo uu ku sugna Dalka Qatar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here