Tareen siday ilaa 60 rakaab ah ayaa ku dhacay baska ku shaqeeya gaaska ee Xaafada Hisingen Götenborg. Adeegga samatabixinta ayaa sheegay in cidina uusan dhaawac halis ah gaarin. Sida uu wariyey.
Baska ayaa ka madhnaa rakaabkii, darawalkiina waxaa u suuragashay inuu baska ka baxo shilka ka hor, taasi oo keentay in Baska uu bur-buro guud ahaan
Adeegyada samatabbixinta ayaa u gurmaday goobta ka dib markii ay heleen ogeysiis saacaddu markay ahayd 07:38 oo ay xireen iyaga oo ka baqaya gaas dillaaca ama qarax, halka rakaabkii tareenka ay si deg deg ah u faarujiyeen iyada oo aan cidna u baahnayn daryeel caafimaad oo degdeg ah.
Shilka ayaa ka dhacay inta udhaxeysa waddooyinka Finlandsvägen / Lillhagsvägen, wadada tareenka ayaa waxyeelo soo gaartey taas oo la filayo inay saameyn ku yeelato dhaqdhaqaaqa tareenada qaar ee Göteborg.
“Waa macquul in dib u dhac uu ku yimaado taraafikada tareenka” ayuu yiri afhayeenka booliska Fredrik Svedimir.
Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay
Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada
Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka