Home Wararka Maanta Taliye Sare oo Maantay Gaaray Degmadaan oo Alshababa Cashar Cajiib ah loogu...

Taliye Sare oo Maantay Gaaray Degmadaan oo Alshababa Cashar Cajiib ah loogu Dhigay

0

Taliyaha ciidanka lugta ee xoogga dalka General Dayax Cabdi Cabdulle iyo saraakiil la socota ayaa maanta gaaray degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, halkaas oo maalmo kahor weerar culus ku qaadeen kooxda Al Shabaab.

Taliyaha oo Kormeeray saldhigyadii ee kooxda Al Shabaab weerarka kusoo qaadeen , waxa uuna halkaasi kula kulmay saraakiisha ciidanka uu ku amaanay sidii ay isaga difaaceen weerarkii Al Shabaab .

Jeneraal Dayax Cabdi ayaana sheegay in ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay jilbaha u aasteen weerarkii Al Shabaab , waxa uuna xusay in kooxdaasi weerarka lagu jabiyay laguna gaarsiiyay khasaaro xooggan.

Al Shabaab ayaa maalmo kahor weerar culus ku qaaday degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, waxa ayna Al Shabaab weerarkaasi ku dileen saraakiil ciidan iyo askar badan , waxa ay sidoo kale ku gubeen gaadiid dagaal.

 

Ad
Previous articleDagaal Alshabaab looga Saraayo Jubaland oo Mantay Si Rasmi ah U bilowday inu Magalooyin Durbadiiba Alshabaab laga Qabsaday
Next articleP.M Xamse oo Ka Hadlay Deegaankaan oo Maantay Alshabaab laga Saaray