Home Wararka Maanta P.M Xamse oo Ka Hadlay Deegaankaan oo Maantay Alshabaab laga Saaray

P.M Xamse oo Ka Hadlay Deegaankaan oo Maantay Alshabaab laga Saaray

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ugu hambalyeeyey ciidamada geesiyaasha Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada Jubbaland guusha ay ka gaareen dagaalka cadowga looga sifeynayo deegaannada Jubbaland.

Ciidanka ayaa saaka si buuxda ula wareegay deegaanka Buulo-Xaaji ee gobolka Jubbada Hoose oo qiyaastii 80-KM dhanka Koonfureed kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka.

“Waxaan ku ammaanayaa Ciidammada Halyeeyada Qaranka ee sida geesinimada, Dadaalka iyo Daacadnimadu ku jirto uga xoreynaya Khawaarijta deegaanada fara kutiriska ah ee ay gacanta ku hayaan”.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladdu ay gacanna kula dirirayso Khawaarijta gacanna ay ku daryeelaysaa shacabkeeda, isaga oo intaas ku daray in goobaha la xoreeyey la gaarsiin doono adeegyadii aas-aasiga ahaa sida waxbarasho, caafimaad iyo nabadgalyo, si la mid ah deegaanadii kale ee laga xoreeyay Khawaarijta.

Ad
Previous articleTaliye Sare oo Maantay Gaaray Degmadaan oo Alshababa Cashar Cajiib ah loogu Dhigay
Next articleFaahfaahin ka soo baxaysa diyaarad uu la socday madaxweyne ku xigeenka Malawi oo la waayay