Home Wararka Somaliya Jubbaland Dagaal Alshabaab looga Saraayo Jubaland oo Mantay Si Rasmi ah U bilowday...

Dagaal Alshabaab looga Saraayo Jubaland oo Mantay Si Rasmi ah U bilowday inu Magalooyin Durbadiiba Alshabaab laga Qabsaday

0

Axmed Madoobe ayaana Goordhow Ku Dhawaaqay inuu Si Rasmi ah u Bilowday Dagaalkii Alshabaab looga Saraayo Jubaland

Waxaan Hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Ciidamada geesiyadda ah ee Jubaland iyo xooga dalka oo maanta guulo muhiim ah ka gaaray howlgalka deegaanada Jubaland lagaga cirib tirayo Khawaariijta oo maanta si rasmi ah u bilowday.

Ciidamada ayaa la wareegay deegaanka BuuloXaaji ee Degmada Badhaadhe halkaas oo si nabad ah ciidamadu ay ku tageen kadib markii ay iskaga carareen Khawaariijta.

Waxaan ku rajo weynahay in maalmaha soo socda ay xoroobi doonaan deegaano iyo degmooyin kala duwan isla markana shacabka deegaanadaas ku nool ay gaari doonaan adeegyada Dowladda.

Ad
Previous articleDowlada Itoobiya oo Ka jaawabtay Hadalkii Dowlada Soomaaliya ee ahaa in Ciidamadeeda Dalka Soomaaliya ka baxaan
Next articleTaliye Sare oo Maantay Gaaray Degmadaan oo Alshababa Cashar Cajiib ah loogu Dhigay