Home Wararka Maanta Taliye Odowaa iyo Taliye Biixi oo saraakiil Mareykan ah oo Gaaray ...

Taliye Odowaa iyo Taliye Biixi oo saraakiil Mareykan ah oo Gaaray GALCAD

0

Taliyaha ciidanka xoogga dalka iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Taliye Odowaa ayaa waxaa safarkan ku wehlinayay taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka, General Maxamed Tahliil Biixi iyo saraakiil ka tirsan taliska ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika.

Ujeedka safarkooda ayaa lagu sheegay inuu la xiriiro abaabulka iyo u diyaar-garowga howl-galka ay tahay in ciidamadu ay kula wareegaan magaalada Ceelbuur.

Safarkan ayaa imanaya xilli diyaar-garowga wejiga labaad ee dagaalka uu si habsami leh u socdo, kaasi oo dhawaan si rasmi ah uga billaaban doona dalka, islamarkaana ay qeyb ka noqon doonaan ciidamo ka socda dalalka deriska.

Howl-galada Galgaduud ayaa waxaa hadda siman oo si saf-balaaran ah ku socda duulaanka ciidamadii horay u joogay aagga degmada Ceeldheer, aagga Maxaas ee furinta Hiiraan iyo ciidanka furinta dhexe ee ka talaabay Sh/Dhexe, islamarkaana kooxda ka xoreeyey Galcad, Ceeljuqow, Cali Afrax, Cali Yabaal iyo deegaano kale oo muhiim u ah xoreynta dalka.

Howl-galka dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab oo wejigiisi hore ay iska kaashanayeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa laga gaaray guulo waaweyn, ayada oo kooxda laga xoreeyay deegaano badan oo sanado dhowr ah gacantooda ku jiray.

Si kastaba, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa geed gaaban iyo mid dheerba u fuulaya, sidii dowladdiisu ay dalka kaga cirib-tiri laheyd mintidiinta Al-Shabaab, waxayna dhawaan kooxda wajihi doonta wejigii ugu adkaa ee dagaalka ka dhanka ah oo ay qeyb ka noqonayaan dalalka deriska.
Ad
Previous articleCabdiweli (Gaas) oo ku biiray siyaasiyiinta sida weyn uga horyimid qodobadii kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran
Next articleKemal Kilicdaroglu Muxuu ka Yiri Doorashada Uu uga Guulaystay Erdogaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here