Home Wararka Maanta Taliye Dhakuul Beyr Xuseen oo kaalin ku lahaa Dagaalkii Laascaanood looga saaray...

Taliye Dhakuul Beyr Xuseen oo kaalin ku lahaa Dagaalkii Laascaanood looga saaray Somaliland oo la Dalacsiiyay

0

Wareegto uu soo saaray madaxweyne ku xigeenka Puntland ahna ku simaha madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan ayaa lagu dallacsiiyay sargaal katirsan ciidamada Puntland oo kaalin weyn ka qaatay dagaalka Laascaanood.

Axmed Karaash ayaa u dalacsiiyay taliye Dhakuul Beyr Xuseen in uu noqdo Sareeye Guuto , halka markii hore uu ahaa Gaashaanle sare, sargaalan ayaana katirsan ciidamada daraawiishta maamulka Puntland.

S/guuto Dhakuul Beyr Xuseen ayaa kamid ahaa saraakiisha hormuudka u ahaa in ciidamada maamulka Somaliland lagu jabiyo dagaalkii Laascaanood lagana saaro gabi ahaan magaaladaasi iyo deegaannada ku dhaw dhaw.

Dagaalka Laascaanood waxaa si weyn uga qeyb qaatay saraakiil iyo ciidamo badan oo katirsan maamulka Puntland, kuwaa oo dagaalka garab iyo gaashaanba ku siinayay ciidamada SSC iyo kuwa dadka deegaanka.

Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Qarax ka Dhacay Magaalada Muqdisho
Next articleTaliyaha Cusub ee la Filaayo inuu Galmudug kasaaro Alshabaab oo Xilka La wareegay(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here