Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey Qarax ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Wararkii ugu Danbeeyey Qarax ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax maanta degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kaas oo dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaan ku dhintay ugu yaraan 1 qof oo shacab ahaa, halka uu ku dhaawacmay askari kamid ah ciidanka ilaalada ee taliyaha qaraxa lala eegtay.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray goobta, waxayna kasoo qaadeen dhaawacyada labada qof oo haatan lagu dabiibayo magaalada Muqdisho.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan qaraxaasi lala beegsaday taliyaha Nabad-Sugidda ee degmada Dayniile.

Ad
Previous articleAskarigii Soo Gudbiyay Qarixii lagu Hoobtay ee ka Dhacay Baladwayne oo Xabsiga la Dhigay
Next articleTaliye Dhakuul Beyr Xuseen oo kaalin ku lahaa Dagaalkii Laascaanood looga saaray Somaliland oo la Dalacsiiyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here