Home Wararka Somaliya Galmudug Taliyaha Cusub ee la Filaayo inuu Galmudug kasaaro Alshabaab oo Xilka La...

Taliyaha Cusub ee la Filaayo inuu Galmudug kasaaro Alshabaab oo Xilka La wareegay(Sawiro)

0

Munaasabad uu xilka kula waregayay Taliyaha cusub ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka soomaliyeed ayaa ka dhacday Taliska ciidanka dhulka XDS.

Munaasibada xil-wareejinta ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Taliye ku xigeenka Ciidanka xoogga dalka soomaliyeed,Hogaanka ciidanka,Hogganka gaadiidka, Hoggaanka xiriirka arimaha dibada ,hoggaanka Hanti dhowr iyo marti sharaf kale.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Somaliyeed sareeye Guuto Madey Nuureey Sheikh ayaa Xilka U kala Wareejiyey Taliyaha cusub ee xilka la wareegay gashaanle sare Dayax Cabdi Cabdulle iyo Taliyihii Hore ee Ciidanka dhulka Xoogga dalka soomaliyeed Sareeye guuto Axmed Aadan Cali .

Taliye ku -xigeenka CXDS sareeye Guuto Madey Nuureey Sheikh Ufuroow ayaa kula dar daarmay tliyaha cusub inuu dar dargeliyo howsha culus ee loo igmaday ,wuxuuna taliyuhu eebe uga baryay inuu alle la garab galo waajibaadka adaga ee horyaalo.

Taliyahaan ayaa La Filayaa inuu Wax badan ka Badalo Dagaalka Kasocda Galmudug Gaar ahaan Galgaduud oo Hakad galay kadib Dagaalkiii Alshabaab ku Qaadeen Cowswayne.

Taliye Dayax ayaana Qorshaynaaya inuu Ciidamada dowlada Dib ugu Celiyo Saldhigyadii aykasoo  baxeen Ee Cowswayne Masagawaa Galcad iyo Ceeldheere oo Wali Hawanaysa.

Ad
Previous articleTaliye Dhakuul Beyr Xuseen oo kaalin ku lahaa Dagaalkii Laascaanood looga saaray Somaliland oo la Dalacsiiyay
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Alshabaab iyo Macawislayda Hiiraan oo Dagaal Waqti Badan Qaatay Dhexmaray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here