Home Wararka Maanta Taliyaha NISA yasin Farey ayaa ciidamada Nisa uga Digay inay Siyaasada Ku...

Taliyaha NISA yasin Farey ayaa ciidamada Nisa uga Digay inay Siyaasada Ku milmaan

0

Taliska NISA ayaa uga digay Ciidamada inay ku milmaan Siyaasadda iyo in la siyaasadeeyo waajibaadka Ciidamada. Tallaabadan ayaa qeyb ka aheyd go’aano saacadihii la soo dhaafay ka soo baxay Talisyada ciidanka xoogga dalka iyo Booliska oo ay ciidamada uga digeen inay ku milmaan siyaasadda, sidoo kalena ay jireen baaqyo ka imaanayay Waaxda Arrimaha dibadda Mareykanka iyo Taliska AFRICOM oo ahaa in Ciidamada dhex dhexaad ka noqdaan arrimaha siyaasadda.

NISA ayaa sanadihii u dambeeyay si weyn ugu milneyd arrimaha siyaasadda, iyadoo la xusuusto in hoggaankii hore ee hey’addaas uu ku lug lahaa arrimaha siyaadadda dalka, gaar ahaan Agaasimihii hore Fahad Yaasiin iyo Kaaliyihiisa C/llaahi Kulane.

Ad
Previous articleSawiro:- Madaxweyne Deni oo Muqdisho Soo gaaray si wayna loogu soo Dhaweeyey
Next articleDowlada ingiriiska oo Taageertay oo Raysulwasaare Rooble kana Horyimid Farmaajo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here