Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Wararkii ugu Danbeeyey Alshabaab iyo Macawislayda Hiiraan oo Dagaal Waqti Badan Qaatay...

Wararkii ugu Danbeeyey Alshabaab iyo Macawislayda Hiiraan oo Dagaal Waqti Badan Qaatay Dhexmaray

0

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan weerar qorsheysan oo Al-Shabaab ay ku soo qaaday xalay saqdii dhexe fariisin ciidamada Macawisley ku leeyihiin degaanka Aboorey ee bariga gobolka Hiiraan halkaasoo la sheegay in labada dhinac uu ku dhexmaray dagaal faraha looga gubtay.

Shabaabka weerarka ku qaaday deegaanka Aboorey ayaa la tilmaamay iney  kasoo gudbeen Wabiga Shabeelle oo kala qeybiya Bariga iyo Galbeedka Hiiraan.

Dagaalka ku dhexmaray ciidanka deegaanka iyo kooxda Al-shabaab degaanka Aboorey ayaa socday ku dhawaad hal saac, kaasoo labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalka xalay ka dhacay Aboorey khasaare badan lagu gaarsiiyay kooxda Al-shabaab, isla markaana looga dilay weerarkaas ay 8 dagaalyahan.

Ad
Previous articleTaliyaha Cusub ee la Filaayo inuu Galmudug kasaaro Alshabaab oo Xilka La wareegay(Sawiro)
Next articleSiyaasiyiinta mucaaradka Puntland ee Hubaysan oo Qabanaaya Shir Culus oo ka Dhan ah Siciid Deni

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here