Home Wararka Somaliya Galmudug Taliska Nabad sugida Dhuusamareeb oo Dad danyar ah Raashin Gaarsiiyay(Sawiro)

Taliska Nabad sugida Dhuusamareeb oo Dad danyar ah Raashin Gaarsiiyay(Sawiro)

0

Taliska Ciidanka Nabadsugida Dhuusamareeb ayaa deeq raashin ah maanta gaarsiiyey qaar kamid ah qoysaska danyarta ah ee ku nool xaafadaha Magaalada Dhuusamareeb si ay afur uga dhigtaan bishan Ramadaan.

Taliyaha Ciidanka Nabadsugida Dhuusamareeb Najiib Xirsi Dhoore oo ay la socdaan saraakiil uu kamid yahay taliye kuxigeenka cabdisalaan Ciise ayaa deeq raashin ah ku gudoonsiiiyey goob la isugu keenay tobaneeyo qoys oo isugu jiray naafo, agoon iyo qoysas danyar ah.

Deeqda Ciidanka Nabadsugida ayaa waxa ay ka koobnayd bur, bariis, sokor, saliid iyo timir iyadoo qayb ka ah howsha balaaran ee ciidamada qaranku u hayaan shacabka Soomaaliyeed oo ay gacana kaga difaacayaan dhagarta cadawga gacana ay ku gudanayaan kaalmeynta kuwa liita ee tabarta yar.

 

 

Ad
Previous articleXildhibaan Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur oo Si Cajiib ah uga Hadlay Ceyrintii Faransisco Madera
Next articleDagaal qaraar oo U dheexeeya Cidamada Galmudug iyo Alshabaab oo Kasocda Duleedka Wisil

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here