Home Wararka Maanta Tahriibayaal Soomaali ah oo u badan Gabdho oo ku dhintay Badda Gariiga

Tahriibayaal Soomaali ah oo u badan Gabdho oo ku dhintay Badda Gariiga

0

Tahriibayaal Soomaali ah oo doon ka raacay xeebaha dalka Turkiga ayaa ku dhintay badda dalka Gariiga, waxaana tahriibayaashan dhintay oo u badan gabdho la qalibmatay doontii ay saarnaayeen.

In ka badan 20-qof oo Soomaali ah una badan gabdho da’yar ah ayaa ku dhintay xeebaha Gariiga, waxaana meydadka dadka dhintay la geeyay jaziirad kutaalla dalka Gariiga, maamulka Jaziirada ayaana sheegay in meydadka la aasayo marka ehelkooda la helo.

Xubno katirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Gariiga ayaa sheegay in dadka dhintay u badnaayeen gabdho biyaha badda ku daatay, waxaana shilkan ka badbaaday ku dhawaad toban qof oo iyana lagu hayo Jaziirad Gariiga kutaalla.

“Markii ay doonta sidday muhaajiriinta u soo dhowaatay xeebta Giriigga, ayay raggii ka boodeen oo ay isku tuureen badda si ay berriga u tagaan, waxaana ku soo haray gabdhaha oo keliya. Intii saarnaydna hal dhinac ayay u bateen, taas oo sababtay in culeyska doonta uu dhinac u bato, sidaasna ay ku qallibanto,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cali Xaaji (Sokor), oo ka mid ah xubnaha jaaliyadda Soomaalida ee Giriigga ku sugan.

Meydadka tahriibayaashan Soomaaliyeed ee ku geeriyooday badda Gariiga ayaa qaarkood la aqoonsaday, waxaana wali socda baadigoobka dadka kale ee ku dhintay shilka oo la raadinayo ehelkooda.

Ad
Previous articleMuxuu sameyn jiray ninka Soomaaliga ah ee ay meydkiisa qabriga u raaceen Shimbiro badan?
Next articleMasuuliyiin sar sare oo Gaaray Magaalada Buulaburte kadib Jabkii Alshabaab lagu Gaarsiiyay Degaanka Jicib

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here