Home Wararka Maanta Muxuu sameyn jiray ninka Soomaaliga ah ee ay meydkiisa qabriga u raaceen...

Muxuu sameyn jiray ninka Soomaaliga ah ee ay meydkiisa qabriga u raaceen Shimbiro badan?

0

Khaalid Cabdiqaadir oo ku sugan magaalada Hargeysa waxa uu xannaaneeyaa shimbiro faro badan oo uu aabihii ka dhaxlay, balse sheekada ku saabsan qoyskan way ka duwan tahay quudinta shimbiraha oo kaliya.

Wareysi uu Khaalid siiyay BBC-da ayuu ku sheegay in isaga iyo walaalihiis ay isla soo koreen shimbirahan, xiriirka ka dhaxeeyana uusan ku ekeyn kaliya mid samafal ah balse ay wadaagaan saaxiibtinnimo iyo aqoon aad u qota dheer.

Khaalid waxa uu noo sheegay in qoyskiisa ay quudinta shimbiraha soo wadeen muddo ku dhow 20 sano, ilaa haddana ay sii wadaan.

“Aabahay baa billaabay, markii uu qaddarka ku yimid ee uu geeriyoonayay ayuu dardaaran ka tagay. Waxa uu nagula dardaarmay in shimbirahaas aan quudinno oo quudintooduna ay ahaato mid xiriir ah oo aan la joojinin,” ayuu yidhi Khaalid.

Wiilkan ayaa sidoo kale sheegay in hadda uu kharash badan oo joogto ah ku baxo quudinta xayawaankan.

“Markii ugu horreysay waxaa lagu billaabay wax ka yar hal kiilo balse hadda waxay maalin walba cunaan ku dhawaad 30 kiilo oo galley ah. Sida bani’aadanka oo kale ayay saddex waqti wax u cunaan,” ayuu yidhi.

Arrinta layaabka lehse waxa ay dhacday markii uu geeriyooday Khaalid aabihii, oo ahaa saaxiibkii ugu horreeyay ee shimbiraha korinayay.

Wiilkan waxa uu sheegay in markii ay dadku soo aasayeen meydka aabihii ay raaceen shimbiraha oo la tagay ilaa qabriga.

Khaalid oo dhacdadaas ka sheekeynaya ayaa yidhi: “Maalintii Alle ha u naxariistee uu dhintay marxuumku, waxaan arkay dadkii iyo shimbirihii oo si wadajir ah ula socda meydka. Waxay ahayd waxyaabaha iigu yaabka badan ee aan lasoo kulmay, waana arrinta i dareensiisay in uusan kaligey iga dhimanin ee uu bulsho dhan ka dhintay.”

Markii aan arkay shimbirihii oo dul taagan xabaashii, waxay noqotay waxyaabaha iigu dareenka badan ilaa hadda. Dadku intooda badan waxay igu soo celceliyaa in sidaasoo kale ay xabaasheenna u soo dul istaagi doonaan haddii aan si fiican u xannaaneyno,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Taas waxaa sii dheer in shimbirahan ay ilaa hadda booqdaan qabriga Cabdiqaadir.

“Mar walba oo aan xabaasha aabe tagno, sida maalmaha jimcada ah ee aan qabriga soo booqaneyno, shimbiruhuna way imaadaan, marka waxaan is dhahaa xilli kasta dareenkiinna ayaa isla shaqeynaya,” ayuu yidhi Khaalid.

Waxa uu intaas ku daray inuu mar walba ku dadaalo sidii uu shimbirahan ugu xannaaneyn lahaa si kasii wanaagsan sidii uu aabihiis sameyn jiray

Ad
Previous articleDEG DEG: Taliyaha Booliska Gobalka Banaadir oo lamagacaabay
Next articleTahriibayaal Soomaali ah oo u badan Gabdho oo ku dhintay Badda Gariiga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here