Home Wararka Maanta Masuuliyiin sar sare oo Gaaray Magaalada Buulaburte kadib Jabkii Alshabaab lagu Gaarsiiyay...

Masuuliyiin sar sare oo Gaaray Magaalada Buulaburte kadib Jabkii Alshabaab lagu Gaarsiiyay Degaanka Jicib

0

Gudoomiye Ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sacdiyo Yaasiin Samatar ay wehliyaan  Wasiirka Batroolka iyo Macdanta C/risaaq Maxamed Cumar iyo Xildhibaan Maxamed Cabdulahi Buraale ayaa gaaray magaalada Buula-burde.

Masuuliyiintan katirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa tagay magaalada Buula-burde dhiirogelinta ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ee dagaalka kula jira kooxda Al Shabaab.

Waxaa la filayaa masuuliyiintan in magaalada Buula-burde kula kulmaan Xildhibaano halkaasi horey u joogay , maamulka gobolka Hiiraan iyo sidoo kale saraakiisha hoggaamineysa ciidamada dagaalka kula jira Al Shabaab.

Gobolka Hiiraan deegaano badan oo katirsan ayaa waxaa ka socda howlgalo ay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka kula dagaalanayaan kooxda Al Shabaab oo horey u godoomisay magaalada Buula-burde iyo magaalooyin kale.

Ad
Previous articleTahriibayaal Soomaali ah oo u badan Gabdho oo ku dhintay Badda Gariiga
Next articleDagaal Culus oo Goordhow Ka Qarxay Gobalka Hiiraaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here