57 Tahriibayaal ah oo ay soomaali ku jiraan oo lagu xiray xabsi ku yaala Degmada CHIBOMBO ee dhacda bartamaha dalka Zambia
Madaxa xiriirk Dadweynaha ee laanta booliska Namati H. Nshinka ayaa warbaahinta u Sheegay in tahriibayaasha ay qabteen ay isugu jiraan 54 Ethiopian iyo 3 soomaali ah kuwaa oo sharci la,aan uga talaabayay gudaha dalka Zambia iyago ku wajahna dalka koonfur Afrika.
Tahriibayasha Ethiopianka iyo Soomaalida ayaa la sheegay in ay saarnayeen gaari nooca xamuulka ah ee truck oo ay isku qariyeen waxaana qabtay booliska xili ay ka gudnayeen bar koorntarool
Maalimaha soo socdo ayaa la filayaa in ay maxkamadd kasoo muuqdaan muhaajiriinta
Si kastaba dalalka Tanzania Zambia Mozambique iyo Zimbabwe xabsiyo ku yaala waxaa ku jira tahriibayaal baden oo soomaali ay ku jiraan kuwaa la xiray xili ay dalalkaas kasoo gudbayeen iyagoo kusoo wajahan dalkani koonfur Afrika