Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Laftagareen oo isku shaandhayn ku sameeyey Wasiirada Koobfurgalbeed

Laftagareen oo isku shaandhayn ku sameeyey Wasiirada Koobfurgalbeed

0

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo maanta wareegto cusub soo saaray ayaa magacaabis iyo isku shaandheyn ballaaran ku sameeyay Golihiisa Wasiirada, taas oo saameysay xubno fara badan.

Laftagareen ayaa wareegtadan ku magacaabay illaa 15 xubnood oo isugu jiro wasiiro, wasiir dowle iyo wasiir ku xigeeno intaba.

Sababta uu is beddalkan u sameeyay madaxweynaha ayaa lagu sheegay inay la xiriirto dadar-gelinta howlaha Koonfur Galgeed iyo aqoonta ay leeyihiin xubnaha la magacaabay.

Wasiirada la magacaabay ayaa ka ah:-

1-Ibraahim Aadan Cali (Najax) waxaa loo magacaabay wasiirka cadaaladda maamulka Koonfur Galbeed,

2-Xasan Cabduqaadir Maxamed ayaa isna loo magacaabay wasiirka amniga Koonfur Galbeed

3-Nasra Aweys Sheekh Xuseen ayaa waxaa loo magacaabay wasiirka haweenka ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

4-Mustaf Axmed Iidow ayaa loo magacaabay wasiirka waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare.

4-Isxaaq Cali Subag ayaa loo magacaabay wasiirka beeraha iyo waraabka maamulka Koonfur Galbeed.

6-Cali Sheekh Cabdullaahi (Cali Afgooye) ayaa loo magacaabay wasiirka dekadaha iyo gaadiidka.

7-Maxamed Isaaq Ibraahim ayaa loo magacaabay wasiirka macdanta iyo batrolka Koonfur Galbeed.

8-Saciid Axmed Cali ayaa loo magacaabay wasiirka dastuurka ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

9-Cabdifitaax Maxamed Abroone ayaa loo magacaabay wasiirka kalluumeysiga iyo khayraadka badda.

10-Eng. Diini Cabdinuur Maxamed ayaa waxaa loo magacaabay wasiirka bay’ada iyo isbeddalka cimilada

11-Nuur Siidow Baaba ayaa loo magacaabay wasiirka diinta iyo awqaafka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale waxaa la magacaabay wasiir dowle iyo agar wasiir ku xigeen oo cusub.

12-Dr Maxmed Ibraahim Nuur ayaa loo magacaabay wasiiru dowlaha madaxtooyada Koonfur Galbeed

13-Maxamed Xuseen Xasan (Cadaawe) ayaa loo magacaabay wasiir ku xigeenka wasaaradda gaadiidka.

14-Maxamed Qays Xasan Maxamed ayaa loo magacaabay wasiir ku xigeenka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha

15-Cumar Daa’uud Khaliif ayaa loo magacaabay wasiir ku xigeenka wasaaradda macdanta iyo batroolka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Ad
Previous articleTahriibayaal ah oo ay soomaali ku jiraan oo lagu xiray xabsi ku yaala Degmada CHIBOMBO
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Dilka Loo Gaystay Daahir Maxamed Kaanti

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here